War hadda ONA soo gaadhay ayaa sheegaya in u Taliyihii Federal Booliska ee magaalada Humera u ciidan badan la goostay. Taliyahan ayaa waxaa magaciisa la yidhaahdaa Inspector Tesfu.

Inspector Tesfu ayaa shalay la gostay ciidan badan  oo aad u hubaysan  oo u hor jooge u ahaa. Goosashadan ay ciidamadu ka goosteen dawlada Woyanaha ee wakhtigeedi dhacay ayaa argagax hor leh ku riday horjoogayaasha ururka TPLF.

Warku waxa u intaas ku daray in ay ciidamadani ka gadoodeen siyaasada guracan ee u taliska Addis Ababa u kula kacay shucuubta kala duwan ee Itoobiya.

Wali ma cada meesha ay u goosteen ciidankani balse warar aan la hubin ayaa sheegaya in ay u gosteen dhinaca wadanka Eritrea.

Kala soco ONA faahfaahinta ka soo kordha wararkan.

Boolis aza

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay