maamulka jaaliyada Ogaadeeniya ee dalka K/Afrika ayaa mudadan kormeer kumaraya wadanka gudida Kormeerka Jaaliyada oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Jaaliyada ayaa kusugan magaalada East London ee gobolka Eastern Cape

waftigan ayaa maanka qabtay kulan ay isugu yimaadeen xubnaha faraca Jaaliyada halkaas oo lagu yagleelay maamul cusub oo farucu leeyahay waxaana gudoomiye loodoortay Mudane Axmed Colaad iyo hopgaamadii kale waxaana shirka gudihiisa lagu dul joogsaday qorshe dhamaystiran oo kusalaysan qorshe sanadeedka Jaaliyada kaas oo ka anbaqaaday qorshaha guud ee Hogaanka Abaabula JWXO ee sanadkan 2016 ka

waftidan oo uu kamid
yahay Mudane Sh Xamdi Daahir oo kamida Golaha dhexe ee JWXO kuna sugan wadanka koonfur afrika yaa kulamo kala gadisan kaqabanaya magaalooyinka Eastern Cape

dhanka kale waxaa magaalada Johannesburg kadhacay isla maanta shirkii Faraca magaalada Johannesburg halkaas oo ay sugu yimaadeen xubnaha Jaaliyada ee deegaankaas waxaana lagu ansixiyay hawl beel joogto ah oo farucu gudan doono taas oo isugu jirta abaabul iyo wacyigalin

guud ahaana Jaaliyada Ogaadeeniya ayaa lagu diirasaday dhaqdhaqaaqa halgan ee kasocda maanta wadanka K/Afrika

wixii kasoo kordha socdaalka Gudoomiyaha iyo waftidiisa kala soco warbaahinta

ONA

Faseex Shariif

K/Afrika

 

5    1

2435

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay