War hordhac ah oo hadda war qabadka ONA soo gaadhay ayaa sheegaya in Jaamacada Ambo oo ku taala duleedka magaalada Addis Ababa kana tirsan Gobolka Oromia dab la qabadsiiyay.

Jaamacadan ayaa mudo kayar laba bilood ay gubeen ciimada Woyaanahu si ay khal-khal u galiyaan ardayda jaamacada dhigata oo ah goobta u kacdoonka Oromadu ka bilaabmay mudo 2 sano kahor ah , halkaas oo ay ciidamada Woyaanhu ku laayeen arday badan.

Wali lama ogga khasaaraha ka dhashay  dabka la qabadsiiyay jamacaada Ambo waxayse wararka hordhaca ah sheegayaan inuu jiro khasaare isugu jira dhaawac iyo burbur dhismayaal

Xukuumada Woyaanaha oo baryahan dambe dagaal adag kula jirta shacabka Oromia ee gadoodsan ayaa loo badinayaa inay ka dambayso falkan. Waxaana aaga dabku ka dhacay lagu arkay askar aan la garanaynin waxay meeshaas ka hayeen.

Jaamacada Ambo

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay