Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib amni xumo dalka lasoo daristay iyo al-Shabaab oo kor u qaaday weerarada ay ku qaadayaan goobaha qaarkood.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dib u dhigay booqasho rasmi ah oo uu kutagi lahaa magaalada Stockholm ee caasimada dalka Sweden kaasoo qorshuhu ahaa in labada maalmood ee nagu soo aadan ay qaadato. War kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in booqashadan looga gollahaa xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada wadan.

Dalka Sweden ayaa kamid ah dalalka ugu badan ee bixiya deeqda Soomaaliya, iyagoo marsiinaya hay’ada SIDA iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, sidoo kale Sweden ayaa kamid ah dalalka soo dhaweeyey qaxootiga Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa waxaa u qorsheysneyd inuu kulamo layeesho Boqorka Sweden King Carl XVI Gustav, Ra’iisul Wasaaraha Stefan Löfven iyo xubno katirsan xukuumadda Sweden, kana wada hadlaan horumarka Soomaaliya ay ka samaysey dhinacyada siyaasadda, dib u heshiisiinta, xoojinta taageerada Sweden ee dhinaca maalgashiga dhaqalaha gaarka ah iyo arrimo kale.

Dalka Sweden ayaa kamid ah dalalka ay saamaynta wayn ku yeelatay qul-qulka qaxootiga, waxay gabi ahaamba joojiyeen sharciyadii ay siin jireen dadka Soomaalida ah. Sweden ayaa qorshaynaysa in ay dalalkooda ku celiyaan kumaankun qof oo qaxooti ah, waxaana warar Madaxbanaan sheegayaan in Sweden ay kala hadleyso Madaxweynaha Soomaaliya arrimaha qaxootiga.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay