(ONA FEB29)Waxaa maalimadii axada bisha feb27/16 Shir aad u balaadhan ku qabtay magaalada Toronto jaaliyadaha gobolka Ontario ee bariga Canada kaasoo ahaa maalintii xasuuqa ogaadeeniya oo ay shacbigu u aqoonsadeen bisha febraayo.

Waxaa Lagu furay sidii caadada ahayd wacdi diini ah oo tilmaamaysay in alle laga cabsado waajibna ay ku tahay qof kasta oo Muslim ah iyo xaqnimada halganka Lagu xoreynayo ee ay Jwxo hormuudka u tahay.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada waxaa si rasmi ah shirka u furay gudoomiyaha jaaliyada Toronto mudane maxamed cumar najiib wuxuu u mahadceliyey dhamaan dadkii ka soo qayb galay habeenkan taariikhiga ah ee Lagu soo bandhigayo xasuuqa ogaadeeniya gaar ahaan dadka jamhuuriyada soomaaliya ee waqtigoodii u soo huray in ay munaasabadan ka qayb qaataan iyo dhamaan hawlwadeenadii suuro galiyey shirkan isagoo mudane najiib sii wata hadalkiisii wuxuu ku dheeraaday taariikhda gumaysiga Ethiopia iyo dhib ka ay umada ku hayso.

Sidoo kale waxaa si qoto dheer uga hadlay halganka ay Jwxo hogaaminayso gudoomiyaha jaaliyada magaalada Kitchener Sheekh Aadan faarax wuxuuna runtii meesha ka sheegay dhacdooyin xanuun badan oo dadkii murugo ku abuurtay,waxaa kaloo madasha hadal kooban oo murti weyn watay kasoo jeediyey gudoomiyaha jaaliyada Ottawa mudane liibaan cabdi,Xidhiidhiyaha jaaliyadaha Ontario maxamed qamaan tube iyo afhayeenka ururka OYSU Ontario shilaabo.

Waxaa munaasabadan Lagu marti qaaday jaaliyada Oromiya waxaana halkaa hadal dheer kasoo jeediyey xasuuqii ogaadeeniya hogaamiyhii waftiga oromada Nuur Ibsa wuxuu aad uga hadlay xaalada maanta oromadu ay ku jirto iyo kacdoonka taariikhiga ah ee ka socda dhulka oromada ,wuxuu kaloo sheegay in labada shacab walaalo yihiin xuduud dheerna ka dhaxayso loona baaahanyahay iskaashi kan kawayn in aynu samayano.

Prof maxmed Cismaan ayaa halkaa ku soo bandhigay muuqaalo film ah oo muujinaya xasuuqa Lagu hayo shacbiga soomaalida ogaadeeniya ,waxaana ka mid ahaa magaalooyin la gubay,dad la gubay ,mayd daadsan iyo muuqaalo naxdin leh oo runtii dadkii meesha isugu yimid ay fiirsan kari waayeen calool xumada meeshaa ka muuqatay,wuxuuna maxamed Cismaan dadka ku booriyey in qadiyada loo loobin gareeyo iyo in mujtamaca kanadiyanka loo soo bandhigo isagoo si fiican u sharaxay qaab hawlaha adhfokasiga loo qaban lahaa.

Munaasabadan xasuuqa ogaadeeniya lagaga hadlayey waxay ku soo dhamaatay jawi aad u fiican.

ONA
C/raxmaan

image image image image image

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay