ONA Feb29)Shir muhiim ah oo ay ka soo qayb gashay Dr cibaado oo ka mid ah gudiga fulinta Jwxo ayaa si habsami ah uga dhacay xafiiska jaaliyada magaalada Edmonton .

Shirka waxaa Lagu furay wacdi diini oo kusaabsanaa in ilaahay laga cabsado meel kasta oo la joogo iyo xaqnimada halganka Jwxo hormoodka u tahay.

Waxaa shirka furay gudoomiyaha jaaliyada Edmonton mudane Axmed cali qabxun wuxuu aad ugu dheeraaday hawlihii jaaliyada u qabsoomay mudadii u dhaxaysay labada shir ,wuxuu aad ugu mahadceliyey dhamaan xubnihii sida weyn uga qayb qaatay labadii Shir ee waaweynaa ee jaaliyadu ku qabatay magaalada iyo dadweynaha soomaalida ogaadeeniya ee sida hagar la’aanta ah uga soo qayb galay.

Waxaa Lagu soo dhaweeyey isuduwaha jaaliyadaha Canada mudane c/xakiim maxamed weli wuxuu si waafi ah uga warbixiyey dadaalka ay ku jiraan dhamaan jaaliyadaha Canada dhinaca abaabulka,midnimada ,wada tashiga iyo sidii ay wax ula qaybsan lahaayeen qowmiyadaha dulman ee ethoipia ku hoos nool,wuxuuna carabka ku dhuftay in bisha march 16keeda uu isbahaysiga PAFD uu shirweyn ku qaban doono magaalada Edmonton ayna kaalin buuxda ku yeelan doonaan,sidoo kalena uu kan mid la mid ah ka dhici doono Toronto .

Ujeedadii shirkan oo ay ahayd kulanka wada tashiga hawlwadeenada iyo masuuliyiinta sare ee Jwxo ayaa waxaa Lagu soo dhaweeyey Dr Cibaado xirsi oo ka mid ah gudiga fulinta Jwxo waxayna halkaa ku siisay xogtii rasmiga ahayd ee go’aamadii ka soo baxay Shirkii gudiga fulinta ee Lagu qabtay dalka Sweden iyo xaaladaha halganku meesha uu marayo.

Dr Cibaado oo qayb ka ahayd wufuudii golaha dhexe ee kala duwaanaa ee la kulmayey dhamaan jaaliyadaha aduunka iyadoo loo xilsaaray dalka Canada in ay la wadaagto wixii war bixin iyo wadatashiba ah runtiina waxay aad u faahfaahisay xaalada dhabta ah ee ka jirta ethoipia iyo sida ay u kala yaacayso loona baahanyahay in aan u diyaargarowno,sidii loo xoojin lahaa isbahaysiga PAFD loogana faa’iidaysan lahaa fursada hada imaanaysa,hawlwadeenadii shirka isugu yimid waxay halkaa ku waydiiyeenDr xoriyo su’aalo aad u fara badan oo dhinacyo badan taabanayey,waxayna uga wada jawaabtay si waafi ah oo ay hawlwadeenadii kuwada qanceen.

Shirka oo aad u dheeraa gudiga fulinta jaaliyadu waxay soo hor dhigtay hawlwadeenadii qorshihii Lagu dooran lahaa maamulka cusub ee hogaamin doona jaaliyada sanadka 2016/2017 wxaana halkaa Lagu ansaxiyey gudi farsamo oo ka kooban Shan xubnood ,doorashada jaaliyaduna waxay dhici doontaa bishan dabayaaqadeeda,shirkiina wuxuu ku soo dhamaaday jawi aad u fiican.

Cabdiraxmaan Sheekh ONA , Canada.

image image image image image image image image

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay