MAQAAL: GUUSHA GOBONIMO WAXAA KEENA HALGAN IYO MIDNIMO

Xiliga gumaystuhu awood ciidan ku muquuniyo dadka uu gumaysto sama doonka hadafkiisu yahay dalkiisa iyo dadkiisa oo xorooba wuxuu guntiga u dhuujistaa sidii uu heeryada la saaray umadiisa uga gadin lahaa isagoo qaadaya talaabo walba oo haboon horseedna u noqon karta xoriyad loo aayo, qofku wuxuu noqon karaa dagaalame marka uu dusha u saarto in uu wiiqo cududa isticmaarka, haduu aqoon diineed leeyahay wuxuu bulshada fari karaa jihaadka Allaah ku waajib yeelay iyo in ay ka dheeraadaan ciqaabta ka dhalanaysa hadii la baal maro ama laga gaabiyo jihaadka, wuxuu dhiibi karaa dhaqaalaha oo lagama maarmaan u ah qolo kasta oo jihaadaysa maxaa yeelay hubka, rasaasta, gaadiidka, shidaalka, cunada ciidanka, iyo wax kasta oo aad u baahato oo laga yaabo qaarkood in aad suuq madow ama koontara baan ku soo iibsato waxaa qasab kugu ah in aad hesho qarashkii aad ku soo gadi lahayd.

Qodobka ugu muhiimsan waqtiga gumayste lala dirirayo waxaa weeye in bulshada adoonsi diidka ahi isku xidhnaato hadii taasu hirgashana isticmaarka waxay uga dhigan tahay nin daad soo fatahay ama webi kar kaarada soo jabiyay aqalkiisi qariyay ama ka sare maray oo cagaha dhulka la waayay, isku mowqif noqoshadu waxay xagal daacinaysaa cadawga tabartiisa iyo tabihiisa guracan ee juhdiga iyo hantida uu ku bixiyay si uu adiga kuu yeesho xoolahaagana lagula wareego, waxay hal bacaad lagu lisay ka dhigaysaa ahdaaftiisa qodada dheer geesta kalena waxay soo dadajinaysaa guulo dulmanayaasha rara gubyooday ku talaabsadaan.

Waxay dhiirigalinaysaa oo ay hamigiisa kor u qaadsysaa kii yara niyad jabsanaa ama aragtidiisu tustay in ka midha dhalinta dagaal gumaystaha ka dhan ahu adag yahay, muruqa, maalka iyo maskaxda la gumaystayaasha oo la mideeyo ama la isu geeyo waxay abuuri karaan awood baaxad leh oo u babac dhigi karta ama ka saraysa tii dhagar qabayaasha dhiig ku naaxyada ah ee sidii dameer in ay dad nool u dhaansadaan riyadoodu ahayd, dagaalka iyo isku duubnaanta cadawga ka dhan ah waxay fure u yihiin guusha ha dhawaato hase dheeraate, isku dayada amaba halgan aan waxba lala harin ayaa keenay in wadamo badan oo loo diidanaa madax banaani aakhirki kuwii dusha ka saaraa ka awood bataan, hayeeshee doqonta hogata ee goroda laalaadisaa waxay cimrigeeda ku laysataa dulinimo iyo ilhaanaysi, qaybi oo xukunka gumaystaha.

Si aan loo helin quwad lid ku ah oo af iyo adin ugu dhaq dhaqaaqda xaquuqda kuwa dulman gumaystuhu wuxuu isticmaalaa xeelado kala duwan isagoo kaashanaya khibradiisa uu ka dhaxlay qolyihii isaga ka horeeyay ee ku caana maali jiray isticmaarsiga ama adoonsiga, wuxuu tabcadaa adeegayaal danihiisa si toos ah iyo si dadbanba uga shaqeeya kuwaasoo jagooyin iyo hunguri loogu badalay howl dhagareedka ay har iyo habeen u soo jeedaan, wuxuu bulshada u qaybiyaa hadba intuu kari karo ama awoodo dhanka kalana wuxuu ka dhex abuuraa colaad si aanay kolna isugu calool fayoobaan oo aysan u hawaysan in ay isaga iska caabiyaan, waxaynu markhaati ka nahay Itoobiya oo soomaalida isugu dhiibaysa hubka sida ba’an wax u gumaada qolo walibana madaxa u salaaxaysa iyadoo u sheegaysa in ay xaq ku taagan tahay.

Tusaale: Hadii koox libaaxyo ah oo baahan lagu dhex tuuro cad hilib ah kuma heshiiyaan sidaas oo kalana wuxuu cadawgu madasha keenaa ama bulshada dhex dhigaa wax in ay isku af gartaan ay lama sugaan tahay tusaalena waxaa inoogu filan fadaraalka maanta soomaalida lugta iyo luqunta la isugu sudhay, nin soomaaliyeedbaa waxaa laga hayaa in uu yidhi “markaan tabar hayay talo ma haynin, hada oon talo hayana tabar ma hayo” micnaha maah maahdu xambaarsantahay waa mid aad u wayn waxaana loola jeedaa in taladu ku anfacayso markaad awood u leedahay, waxaan maqaalkan ku gaba gabayn hayaa halgamayaal gobonimo tuugsi laguma helo, wax xoog lagaaga qaatana xoog baa lagu doontaaye cidna baryo kuguma siinayso, gaalana gar la qabta male lkn gafuur la tumay leedahayee, walaalayaalow nin seexday saciis diba dhalaaye xarbi jihaad ah u tafa xayta.

Bye: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Libanmiyir@gmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay