Wararka naga soo gaadhaya wadanka ogadenia gaar ahaan xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa sheegaya tacadiyo kala duwan oo ciidanka wayaanahu ugaysteen dadka shacabka ah ee ku dhaqan guud ahaan wadanka ogadenia. warkan oo aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ( JWXO ) ayaa u qoraa sidan.
1/3/16 Tuulada Yucub oo Gobolka Doollo katirsan waxay ciidanka gumaysigu lawareegeen 14 bakhaar oo kuwa raadhinka la dhigto ah waxayna xabsiga utaxaabeen dadkii shacabka ahaa ee hantida lalaqareegay lahaa warka ayaa intaas kudaraya in ay ciidanka gumaysigu dhaheen bakhaaradan waxaa iska leh ONLF sidaas ayaana kula wareegnay waxaana helay qaar kamid ah dhibanayaasha hantidoodii laqaatay xabsigana loogu daray waxayna kala yihiin.
1 Bisle cabdulaahi yuusuf
2 Ilmo cabdulaahi kaad
3 Qorane cabdi daahir
4 Maxamad Sheekh ismaaciil
5 Asad sheekh daahir
6 Yuusuf maxamad bare ( Yusuf yare)
7 Dahabo cabdi macalim
8 Shaafi sumac xassan.

1/3 /16 Dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay waxay ciidanka cadawgu ku xidheen laba dumar ah oo shacab ah waxayna kala yihiin
1 Xaajiyo dahabo gaboose
2 Aamina cabdi aar.

1/3/16 Dagmada Birqod ee Gobolka Jarar waxay ciidanka anshaxa xun ee gumaysigu ku kufsadeen gabadha lagu magacaabo Ardo Xassan Nuur.

2/3/16 Tuulada Garigo’an oo Dagmada Garbo ee Gobolka Nogob katirsan waxay ciidanka wayaanahu kuxidheen gabdhaha kala ah
1 Faadumo gaydh cabdi
2 Faynuus cabdi guray.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay