Maahmaah Somaliyeed ayaa ahayd –Nin boka boqol u talisay – hadda Cabdi ilay iyo kooxdiisa waxay sheeganayaan in loo soo raaciyay wafdiga inay khiradda ay yidhaahdeen waxaan u leenahay sida loogu beenguuro banaabaxayaasha ay uga faa’ideeyaan. Wax lala yaabana ma’aha sababtoo ah KT. Zinawi waxaa hadda ku soo hadhay oo uu la tashadaa waa kuwanoo kale un. Marka waa wax dhici kara in dawladii Itobiya ay isku qanciso markay awoodi kari weyday inay shacabkeedii ku kulmiso hal meel in sida ay sheeganayaan Cabdi ilay kooxdiisa ay u beenguureen. Waxaana la ogsoonahay in Sh Shariif oo ka taliya magaala madaxdii dalkiisa in ka yar xaafad inuu isugu yeedhay Somali oo idil oo hall weyn oo la buuxdhaafiyay loogu qabtay shirkiisii London. Waxay arimahan tusaale ka yihiin in Meles Zinawi iyo budhcadiisa ay dalkaa iyo shacabka Itobiya ku xukumaan qoriga caaradiisa ee aanay haysanin kalsoonida shacabka.   

Waxay yidhaahdeen kooxda Cabdi ilay khibradii aan u lahayn sida looga dhuunto taageerayaasha xoriyadda shacabka S.Ogadenya ayaa naloo soo raaciyay wafdiga imanaya London inaan uga faa’idayno.

(Masuuliyiinta Deegaanka ayaa haddaba iyagoo adeegsanaya khibradii ay ka heleen Halgamadaasi (oo ah siday sheegeen beenguurka) ayaa hadda u soo jeedsaday inay halgan u galaan sidii ay ururada amxaarada ee qinijit iyo ginboot 7 uga tirtiri lahaayeen wadamada dibadaha islamarkaana ay shirarkaasi ugu qabsoomi lahaayeen si habsami leh.)  

Maxay qabteen haddaba oy yidhaahdeen waan kula talinay wafdigii? Waa tani akhri mar 2aad;

(Ururka Qinijit iyo Ginbot 7 oo iyagu u diyaargaroobay inay ku banaanbaxaan shirwaynaha hadda ka socda london ayaa waxaa loo adeegsaday Nidaam cilmiyaysan islamarkaana waxaa la sameeyay in markii hore dadkii oo dhan lagu balamiyay Hoolka Emperial Collage ee magaalada London.)

Dadkii masaakiinta ahaa ee la balamiyay ayaa halkii yimid oo sida ay yidhaahdeen, caalamkana laga daawaday ay kumanaan qof oo ka kooban shucuubta Geeska Afrika ku dhaqan ay ku banaanbaxayaan. Waxay yidhaahdeen;

(.. Balse Nidaamkii loo adeegsaday oo ahaa mid cilmiyaysan ayaa markiiba la sameeyay in dadkii oo dhan si hoos ahaana loo gaadhsiiyo kaararkii ka soo qaybgalka iyo goobtii uu shirku ka dhici lahaa oo ah Safaarada Itoobiya ee Magaalada London oo 15 Mitir u jirta Emperial Collage.). Oo malooga hadhay qalcadii (safaardda) ay soo galeen !!

Khubaradii la socotay wafdiga oo ka koobnaa sida ay sheegeen (..Madaxwaynaha DDS Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Gudoomiyaha xisbiga Mudane C/fataax sh. C/laahi iyo Wasiirka wasaarada ganacsiga Mudane C/raxmaan SH. (guray) ..  ayaa waxay ku taliyeen in laga cararo goobta oo la’isku shubo qalcadda. Ma jirto fadeexad diblomaasiyadeed oo ka weyn dawlad ka carartay meeshay u sheegeen dadweynaheeda inay ku shirinayaan. Hasa ahaatee khubaradii la socotay ee aqoonta fiican u lahayd beenguurka waxay ku tilmaameen guul u soo hoyatay Itobiya.  

Safiirka Itobiya u fadhiya London isagoo garanaya arintaa ayuu barqiyad u diray wasaaradiisa. Waxaa isaga isqariyay oo aan sooba bixin la-taliyahii safaaradda Cabdirashiid Duulane oo la soo sheegayo inuu ka cadhaysan yahay habka jaahilnimada ah ee Cabdi ilay uu faraha ula soo galay arimaha dibadda iyo safaaradaha taasoo fashilisay intaan wax kaleba la gaadhin qorshihii kala qaybinta ahaa ee ina Duulane uu rabay inuu ka dhex shido jaaliyadaha.

ONA.

 

 
 

2 Comments

  1. maxamuud says:

    Cabdi ubo (ina ilay) Qinjid ayaa nagu banaanbaxday ayuu yidhi lamana su’aalin boqlaalka calanka Ogaadeenya wadata inay yihiin qinijid oo xariyadda Ogaadeenya taageertay.
    Laakiin kuwa BBC da ee uu beentaa intaa la’eg ka dhagaysanaya iyagoo Bush Haws jooga ayaa igalaba sii beenbadan.

  2. abdalla says:

    la yaab badan ma laha in BBC ay ina Iley u waraysato qaabka isagu uu rabo mana aha markii u horaysey.
    ina Duulane ayaa dareensan jabka meesha ka raacay safaaradda uu isagu ka shaqeeyo iyo dawladda uu matalayo taasoo ina Iley uu u soo jiiday….

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay