Copenhagen- Waxaa goor dhaweyd caasimada Denmark ee Copenhagen ka bilaabmay mudaharaad balaadhan oo looga soo horjeedo kaligii taliyaha Males Zenawi, oo socdaal dhuumasho ah ku tagay dalka Denmark.

 Mudaharaadkan ayaa waxaa ka qeyb-galaya muwaadiniin farabadan oo reer Denmark ah oo ka soo jeeda Soomaalida Ogadeenya iyagoo ku sugan Al-baabka hore “StatenMuseumfor kunst”.

 Mudaharaadka galabta ka socdaCopenhagen, ayaa yimid maalin kadib marki banan-bax balaadhan oo looga soo horjeedo imaanshaha kaligii- taliyaha Males Zenawi, uu ku jimid dalkaNorway. Dibad-baxii shalay ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Jaaliyadda Soomaalida Ogadeenya ee wadankaNorway.

 

 

 Ra’isal wasaaraha dalka Norway, Jens Stoltenberg, ayaa kala hadlay Males Zenawi xadgudubyadda iyo xasuuqa ka socda Ogadeenya oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo halis ah, islamarkaana cabasho ka muujiyey xadhiga labada wariye ee Swedishka ah kuna xidhan Itoobiya.

 Saxaafadda caalamka ayaa si faah-faahansan uga hadashay mudaharaadkan oo dibad-baxayaashu ku qeyl-yayeen ereyo iyo halku dhegyo lid ku ah Zenawi iyo xukunkii oo la sheegay inuu ku dhisan yahay cadaadis iyo gabood-fallo uu kula kaco shacabka.

Sawiro iyo Muqaalo Video ah filo mar dhaw.

Coppenhagen/ONA

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay