Warhada naga soo gaadhay magaalada Nairobi Caasimada Wadanka Kenya ayaa Sheegaya in Saraakiisha  Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenia(ONLF) ee Bariga Afrika  ka Howlgasha ay  soo  saareen bayaan ay ku Canbaareynayaan Beebka lagu hayo Khayraadka Ogadenia  ku Taageerayaan  War-saxaafadeed ay horay u soo saartay ONLF oo Lagu Canbaareynayay Heshiis  la sheegay inuu dhaxmaray  Dowladaha Djabouti, Ethiopia iyo China kaasi oo ku saab sanaa Shidaalka Ogadenia in la qodayo kadibna  laga dhoofinayo Wadanka Djabouti.

Warsaxaafadeednka maanta Nairobi laga soosaaray ayaa  Warbaahinta  waxaa u soo bandhigay Mahamed Shariif Cumar oo ah Xeer Ilaaliyahay Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenia ahna Masuulka Jabhada ONLF  uqaabilsan Howlaha Afrika .

Masuuliyiinta ONLF ayaa  ugu baaqday Shacabka Soomaaliyeed meelkasta uu dunida ka joogo inay meel uga soo wada jeedsadaan go’aanka  shisheeye ee lagu boobayo Khayraadka Wadaniga  Soomaaliada Ogadenia, Shacabka soomaaliyeedna maanta ka mudanyahay  inuu labaxo khayraadka Ogadenia.

Dhanka kale  waxaa  Fariin loo jeediyay  Shacabka  Jamhuuriyada jabuuti inay iska  Dulqaadaan kaligii Taliska mudada dheer dhibaatooyinka ku hayay shacabkiisa  maantana u talaabay shacabka soomaaliyeed ee dariska la ah  Jabuuti.

War saxaafadeedkan ooy ka soo Qeyb galeen Warbaahinta Soomaalida gaar ahaan KalsanTV, Soomaali chanle, IlaysTV iyo Soomaalisate ayaad  kaga boqon doontaan nuxurka  Shir saxaafadeedka   Masuuliyiinta ONLF ku qabatay -Nairobi Kenya.

DSC04689DSC04690DSC04692DSC04693DSC04694DSC04695DSC04696DSC04697DSC04698DSC04699DSC04701

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay