Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Australia oo Bayaan kasoo saartay Arinta Shidaalka Ogadenia
jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee Australia iyo wax garadka umada soomaaliyeed ayaa sida wada jir ah waxay usoo saareen bayaan ay ku Canbaarey nayaan Boobka lagu hayo Khayraadka Wadanka Ogadeniya oo ah mid soomaali dhamaanteed ka dhexeeya.
Bayaankan oo ay horay u soo saartay jabhada ONLF isla markaana Lagu Canbaareynayay Heshiis la sheegay inuu dhex maray Maamuulka Djabouti, Ethiopia iyo China kaas oo ku saab sanaa sidii Shidaalka wadanka Ogadeniya looqodi lahaa isla markaana looga dhoofin lahaa Dekada jabuuti iyada oon waxba laga waydiin dadkii soomaaliyeed ee khayraadka lahaa taas oo badalkeeda la isticmaalayo Awood iyo shirkado ajaanib ah oo budhcad suuqa madaw ku macaashta ah.
jaaliyada soomaalida Ogaadeeniya ee Australia ayaa ugu baaqaysa dhamaan Shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan inay hal meel uga soo wada jeed sadaan go’aanka shisheeye ee lagu boobayo Khayraadka Wadaniga Soomaalida Ogadenia, taasoo haday suuro gasho ah guushii ugu danbaysay oo uu gaadho cadawga soomaaliyeed waligiina ku riyoon jiray.
Dhanka kale waxay Jaaliyadu Fariin udiraysaa Shacabka walaalaha Djabuuti inay iska Dulqaadaan Maamulka kaligii Taliska ah ee mudada dheer madaxa ka haysta dhibaatooyinka joogtada ahna kuhaya shacabkiisa maantana u talaabay siduu u wax yeelayn lahaa shacabka soomaaliyeed ee dariska la ah isla markaana cadawgooda ugu lug qaban lahaa.
Sidoo kale waxay jaaliyadu fariin Qaaliya udiraysaa Ciidamada Sooma jeed sada yaasha Naftood hurayaasha JWXO oo intay joogaan ayna sinaba u suura galaynin inuu damac shisheeye ka hirglo wadanka Ogadenia iyagoo hadh iyo habeen utaagan siday ufashilin lahaayeen ugana adkaan lahaayeen cadawga liita ee itoobiya iyo cid kasta oo uu ku shaqaystaba.
Ciidamada ONLF waxaa lagu xusuustaa Geesinimo iyo dhirbaaxooyin taariikhda galay oo ay la kulmeen cidkasta oo isku dayday inay khayraad wadanka Ogadenia ugacan dhaafto walina ay heegan ugu jiraan sidii ay gacan bilaa naxariis ah ugu jawaabi lahaayeen cidkasta oo khayraadka Ogadenia kusoo xad gudubta.
Ugu danbaytii hadaanahay jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee Australia waxaan caday naynaa oo aan hoosta ka xariiqaynaa Dibad iyo Gudaba Intuu nool yahay hal shaqsi oo Soomaalida Ogadenia kamid ah inaan marna naloo gacan dhaafayn khayraadka Ogadenia uu kamidka yahay shidaalku isla markaana waxkasta u hurayno oo naftayadu ugu horayso.
ONA-Melbourne Australia
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.