Waxaa maanta si wada jir ah u qabtay banaanbax balaadhan Jaaliyadaha Oromiya iyo Somalida Ogaadeenya ee ku dhaqan Caasimada Jarmalka ee Barlin.

Banaanbaxan ooy shacabka qoomiyadaha Oromiya iyo Ogadenya ay kaga cabanayeen xasuuqa iyo dacatiyada kala duwan ee ay ku hayaan ciidamada Itoobiya ayaa lagu hordhigay Xarunta Baarlamaanka wadanka Jarmalka.

Kasoo qaybgale yaashii banaanbaxan ayaa sidoo kale socod dheer kutagay Saafarada Maraykanku uu ku leeyahay magaalada Berlin iyo safaarado kaloo mihiim ah, kuwaasoo ku yaala isla magaalada Berlin.

Banaanbaxayaasha ayaa wadooyinka waawayn ee magaalada Berlin socod kusoo maray iyagoo watay boodhan ay ku qorraayeen hal kudhagyo kadhacan Gumaysiga Iyoobiya.

Xarumihii ay banaanbaxayaashu tageen ayay u gudbiyeen dukumiindiyo muhiim ah oo muujinaya dhibaatooyinka baahsan ee gumaysigu uu kuhayo shucuubta ku hoos dulman taliska Woyaanaha.

Kala soco faah faahinta mudaaharaadkan ONA.

IMG-20160311-WA0029

IMG-20160311-WA0020

IMG-20160311-WA0028

IMG-20160311-WA0027

IMG-20160311-WA0021

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay