Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu qabtay xuska Maalinta haweenka Aduunka  , Munaasabadaasi waxaa soo abaabulay  Ururka  Haweenka Ogadenia ee Magiciisa loo soo gaabiyo(UHO), Shirkaasi oo ahaa mis sifiican loo agaasimay ayaa waxaa ka soo Qeyb galay  Bulshada Qeybaheeda  kala duwan.

waxaa  xusid  mudan Xuska maalinta  haweenka aduunka ee  ka dhacay  Nairobi  soona qaban qaabiyay Ururka (UHO) inuu ka  soo qeyb galay Xildhibaanka laga soo doorto xaafada Islii ay Soomaalidu ka  tagto caasimada wadanka kenya -Nairobi. Mudane Yuusuf Xasan Abdi oo isagu  shirkaasi  ka sheegay inuu mar sadexaad Xilka  Dagmada Kamakuunji u sharaxan yahay, sidoo kale  Xildhibaanka ayaa halkaasi ka jeediyay  Qudbad ku saabsan Wada noolaaansaha  dadka ku dhaqan  Dagmada kamakunji iyo inay soomaalidu mar sadexaad u codeeyaan  inuu Xilkaasi ku soobaxo.

waxaa kale oo shirkaasi ka soo qeybgalay masuuliyiin sar sare oo kamid ah Jabhada wadaniga Xoreynta Ogadenia kuna buuriyay Haweenka Ogadenia oo laf dhabar u ah halganka Gobanimadoonka Ogadenia inay sii laba  Jabaaraan Halganka Gobanimadoonka ah ay hormoodka u tahay Jabhada wadaniga Xoreynta Ogadenia,Munaasabada Xuska haweenka aduunka ee ka dhacay Nairobi  soona abaabulay ururka Haweenka Ogadenia Faraciisa(UHO)ayaa ku soo dhamaaday Guul iyo jawi farxadeed.

kala soco Muqaalada Munaasabada IlaysTV

1 2 4 6 DSC04702 DSC04703 DSC04704 DSC04705 DSC04706 DSC04707 DSC04708 DSC04709 DSC04710 DSC04711 DSC04712 DSC04713 DSC04714 DSC04715 DSC04716 DSC04717 DSC04718 DSC04719 DSC04720 DSC04721 DSC04722 DSC04723 DSC04724 DSC04725 DSC04726 DSC04727 DSC04728 DSC04729 DSC04730 DSC04731 DSC04732 DSC04733 DSC04734 DSC04735 DSC04736 DSC04737 DSC04738 DSC04739 DSC04740 DSC04741 DSC04742 DSC04743 DSC04744 DSC04745 DSC04746 DSC04747

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay