Wasiirka Arrimha Dibadda ee Suuriya Walid Mucallim ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka qayb galayso shirka nabadda ee Geneva ka dhacaya, wafuudda dowladda mataleysana ay halkaasi u ambabixi doonaan maalinta axadda ah.

Hase yeeshee waxa uu intaasi ku daray in wafuuddaasi ay dalka kusoo laaban doonaan hadduu kooxaha mucaaradka ay muddo 24 saac gudahood ah shirkaasi uga soo qayb gali waayaan.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dimishiq ayaa sheegay in aysan ogolaanayn wadahadalo ku saabsan madaxtinimada dalkaasi, kulankaasi nabadduna uu guul darro kusoo dhammaan doono haddii qolyaha mucaaradka ay doonayaan in xukunka ay qabsadaan.

Basle afhayeen u ahdlay mucaaradka ayaa sheegay in wasiirku uu durbaba hakinayo wadahadalada nabadda kahor xitaa inta aysan billaaban.

Mar sii horreysay ayaa xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa ku baaqay in wadahadaladu ay sii socdaan maadaama buu yidhi colaaddii ay yaraatay tan iyo markii uu dhaqan galay heshiiskii xabbad joojinta muddo haatan laga joogo laba usbuuc.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay