Jaaliyada soomaalida ogaadeeniya ee magaalada Edmonton iyo oromada ayaa mudaharaad aad u balaadhan ku qabtay badhatamaha magaalada gaar ahaan aqalka baarlamaanka shacabka ee laga maamulo dawlada gobolka Alberta .

Mudaharaadkan oo ahaa mid aad u balaadhan ayaa waxaa ka qayb galay boqolaal dadweyne ah oo watay boodhadh waaweyn oo muujinayey tacadiyada ay dawlada TPLF ku hayso shucuubta kala duwan ee ku hoos dulman,waxay kaloo wateen makarafoono aad u dhawaaq dheer iyagoo dawlada Canada ka dalbaneyey in caawimaada laga joojiyo taas oo ay ku xasuuqdo shacbiga ogaadeeniya iyo oromadaba.

Xoghayaha jaaliyada Edmonton mudane Magan “sheekeeye”ayaa halkaa ka soo jeediyey khudbad aad u dheer oo ku baxaysay Luqada afka ingiriiska wuxuu aad ugu dheeraaday dhibaatada Lagu hayo shacbiga ogaadeeniya ee xuquuqul aadanaha iyo shirkadaha shidaalka ee mar walba sida indha la’aanta ah ugalaya heeshiis beenaad oo uu ugu dambeeyey kan ay jabuuti,ethoipia iyo shiinuhu kuwada galeen in gaaska ogaadeeniya lagdhoofiyo jabuuti taas oo aan shacabka waxba lagala socodsiinin.

Si kastaba ha ahaatee wuxuu xogahayuhu gacanta ka galiyey masuuliyiintii dawlada Alberta ee halkaa ugu soo baxday mudaharaadyaasha dukumenti ka kooban 13 bayj oo muujinayey xasuuqa iyo tacadiyada Lagu hayo shacbiga ogaadeeniya iyo dhaqaalaha ay shirkadaha shidaalku ku bixinayaan isir tirtirka ay ka wadaan deegaanada gobolka qoraxay ee jeexdin,sidoo kale waxaa halkaa iyaguna ka dhiiibtay tacadiyada iyo barkicinta Lagu hayo shacbiga dulman ee Oramada.

Mudaharaadkan oo ay socod dheer ku soo mareen dadweynihii mudaharaadayey wadada dheer ee isku xidha magaalada iyo xafiiska laga maamulo dawlada Alberta wuxuu ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagasan.

ONA
C/raxmaan Sheekh Canada

image image image image image image image image


.

__,_._,___

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay