Jaaliyada Somalia Ogadeniya ee Washington Seattle

 B A A Q: Jahliyada Somalida Ogadeniya ee Wshington State, Seattle waxay halkan cambaarayn kulul uga soo jeedinaysaa isbahaysiga xaaranta lagu aas aasay ee china, taliska umulo dooxa ah ee Addis ababa iyo maamulka daba dhoonka ah ee Ina cumar Geele, kuwaas oo u tafaxaytay sidii ay shidaalka Ogadeniya ee dadkii lahaa ka baahan yihiin ula soo bixi lahaayeen. Shidaalka Ogadeniya ma aha hanti shirko lagu yahay waxaase iska leh oo kaliya dadka Somalida Ogadeniya, iyagaana go’aanka ugu dambeeya iska leh. Ma aha markii ugu horeysay ee quwada shisheeye isku dayaan inay shidaalka Ogadeniya soo saaraan balse midkasta wuxuu Ogadeniya kala tagay guul daro.

D I G N I I N: Waxan isbahaysiga xaaranta ah u sheegaynaa inay ka tanaasulaan riyadooda riqiiska ah, hungurigoodan dib u liqaan. Waxaanu kula talinaynaa inaanay ku khatalmin khayraadka Ogadeniya, khatarna naftooda ku galinin siddii hada ka hor dhacday.

S O O M A A L I  W E Y NWaxaanu ummadda Soomaaliyeed u sheegaynaa in khayraadka Ogadeniya uu yahay khayraad Soomaaliyeed, difaaciisana xil ka wada saran yahay. Khayraadka Ogadeniya waa hanti Somaaliyeed waxaana waajiib inagu ah dhamaanteen inaan dhiig iyo dhaqaalaba ku difaacno.

 

Ogaden Community in Seattle, Washington

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay