Afar Boolis ah ayaa ku dhaawacmey, kadib markii Boolisku weerar ku qaadeen goob ay isku qarinayeen kuwii ka dambeeyey weerarkii magaalada Paris bishii November 2015.

Booliska ayaa sheegey in nin kamid ah dablaydu uu geeriyooday waxaana uu watey qori AK47, sida laga soo xiganayo Raadiyaha RTBF, halka labo kale ay baxsadeen. Koonfurta magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium ayaa waxay u ekaatay goob ciidan waxaana xidhan dhamaan jidadka ooy taagan yihiin ciidamo Boolis ah.

Sida laga soo xiganayo Raadiyaha RTBF ee dalka Belgium Booliska ayaa hadda ku raad jooga ugu yaraan labo nin oo la aaminsan yahay inay soo abaabuleen weerarkii Paris. Ilaa hadda ma cadda tirada rasmiga ah ee kooxdan ay ahaayeen. Mid kamid ah Booliska dhaawacmey ayaa xaaladiisu culus tahay, sida ay qortey warbaahinta gudaha dalka Belgium.

Sidoo kale waxaa hawlgalkan ka qayb-qaadanaya Booliska Faransiiska siduu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Faransiiska Bernard Cazeneuve. Sida laga soo xiganayo wakaaladda wararka ee AFP qofka la eryanayo ayaa ah Saalax Cabdisalaam oo kamid ahaa hoggaamiyaashii weerarkii Paris, walaalkiisna ku geeriyooday bishii November 2015.

Weerarkii Paris ee sanadkii hore waxaa ku geeriyoodey 130 qof, Weerarkan ayaa laga soo abaabuley gudaha dalka Belgium, waxaana masuuliyadiisa sheegtay ururka ISIS.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay