Ciidanka Booliiska magaalada Brussels ee dalka Belgiun ayaa sheegay in ay xidheen mid kamid ah raggii lagu tuhunsanaa inay soo maleegeen ama ka dambeeyeen weerarkii ka dhacay magaalada Paris ee bishii November.

Salah Abdeslam ayaa laqabtay kadib markii ay dhaawaceen booliiska la dagaalama argagixisada oo ku weeraray xaafadda Molenbeek ee magaalada Brussels. Rasaas ayay dadku maqleen ka dhacaysa xaafada Molenbeek .

Horay, ayaa dacwad soo oogayaashu ay sheegeen in faraha ninka laga helay guri ay ka daganaayeen magaalada Brussels, ooy booliisku weerareen maalintii Talaadada ahayd ee lasoo dhaafay.

Booliiska ayaa sheegay in laga yaabo inuu ka warhelay weerarka oo inta aysan booliisku goobta gaadhin uu ka baxsaday. Boqol iyo sodon qof ayaa ku dhintay weerarkii Paris.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay