Amnesty International ayaa ku eedaysay masuuliinta Yurub inaysan u midaysnayn arrinta ku saabsan heshiiska muhaajiriinta dib loogu celinayo dalka Turkiga.

Hay’addan u doodda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in heshiisku uu ku guuldaraystay in uu daboolo sida Midowga Yurub ay dhabarka ugu jeediyay dhibaatada caalamiga ah ee qaxootiga. Qorshaha ayaa waxaa kamid ah, in muhaajiriinta Giriiga timaada dib loogu celiyo Turkiga haddii aanay dalban magangalyo ama codsigooda la diido.

Turkigana waxaa taa badelkeeda uu helayaa gargaar iyo tanaasul dhanka siyaasadda ah. Heshiiska Midowga Yurub iyo Turkiga ayaa u ogolaanaya mas’uuliyiinta Giriiga in ay baadhaan codsiyada shakhsiyaadka magangaliyo doonka ah.

Sikastaba xaaladdu ha ahaatee, muhaajiriin badan ooy ku jiraan Suuriyiin, ayaa waxay doorbidayaan in ay tagaan dalka Jarmalka iyo wadammada waqooyiga Yurub, horayna waxa ay u diideen in ay magangaliyo waydiistaan Giriiga, sida nidaamka haatan ladhigay lagu dalbaday.

Heshiiska ayaa dhigaya in muhaajirkasta Suuriyaanka ah ee dib loogu celiyo Turkiga, ay Midowga Yurub dib u dejin u sameyn doonaan qof Suuri ah oo Turkiga horay u joogay. John Dalhuisen, agaasimaha Amnesty International ee Yurub iyo Badhtamaha Aasiya, ayaa sheegay in ay tahay in ballanqaadyada Midowga Yurub ay tixgaliyaan shuruucda caalamiga ah iyo kuwa Yurub.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay