Wasaarada Arimaha Dibada ee Turkiga ayaa sheegtay inay codsanayaan taageero kaga timaada dalalka Midawga Yuub iyo qeybaha kalee caalamka oo lagula dagaallamo “argagixisada.”

Wasiirka Arimaha Dibbada Mevlut Cavusoglu waxa uu tilmaamay in Turkiga uu sii wadidoono la dagaallanka kooxaha xagjirka ah. Wuxuuna hoosta ka xariiqay inay kula dagaallamayaan gudaha iyo dibadda dalkooda.

Waxa uu hadalkaasi jeediyay kaddib weerar isqarxin ah oo ka dhacay Istanbul oo afar qof ay ku dhinteen inkabadan 30 kalena ay ku dhawacmeen. Dadka dhintay waxaa kamid ah laba qof oo Israa’iil u dhashay, oo sidoo kale baasaboor Mareykan ah haystay iyo qof Iiraan u dhashay. Majirto koox sheegatay weerarkaasi illaa iyo hadda.

Qarax weyn oo magaalada Anqara ka dhacay isbuucii tagay oo dad badan ay ku dhinteen waxaa sheegatay kooxda kurdiyiinta. Bishii January, qof isqarxiyay oo loo maleynayo inuu Daacish ka tirsanaa ayaa 15 qof oo dalxiisayaal ah ku dilay Istanbul.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay