Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa shalay safar saddex cisho qaadanaya uga bilaabmay magaalada Havana ee dalka Cuba.

Madaxweyne Obama ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreyey ee isagoo xil haya booqda dalka Cuba muddo ku dhow 90 sannadood. Obama ayaa la kulmaya madaxweynaha Cuba iyo qaarka mid ah dadka mucaaradka ku ah dowladda Cuba.

Maraykanku wuxuu cunaqabatayn ku soo rogay dalka Cuba sannadkii 1960, waxaana xilligan la qorshaynayaa in laga qaado haddii golaha congressku uu si aqlabiyad ah u oggolaado, Hase ahaatee wuxuu mucaaradad kala kulmay hoggaanka Xisbiga Jamhuuriga ee maamulla labada aqal ee Congress-ka Maraykanka.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay