Wararka naga soo gaadhaya gudaha wadanka Ogadenia ayaa sheegaya Tacadiyo kala duwan oo ciidanka wayaanuhu ugaystay dadka shacabka ah ee kudhaqan gayiga Ogadenia. Warkan oo uu nasoo gaadhsiiyay wariyaha ONA ugasoo warama xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa tilmaamaya in ay ciidanka gumaysigu meelo Ogadenia kamid ah ka gaysteen Dil iyo xidhay arxan daro ah waxayna udhaceen sidan.
18/3/16 Gudaha Magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan waxay ciidanka cadawgu kulaayeen 4 qof oo shacab ah waxaana lakala odhanjiray Allaha unaxariisteen
1 axmad faarax qarawayne
2 warsame cabdi
3 yuusuf ow muxumad
4 ina faarax mursal.
18/3/16 Madaxmaroodi oo Dagmada Qabridahare katirsan waxaa lagu xidhay Ina Sheekh Siraad Maxamad.
18/3/16 Tuulada Goomaar oo Dagmada Shaygoosh katirsan waxay ciidanka wayaanuhu ku xidheen
1 deeq cali cabdi
2 asad maxamad wali.
18/3/16 Garigo’an oo Dagmada Garbo katirsan waxay ciidanka gumaysigu ku xidheen dadka kala ah
1 axmad yaasiin sh maxamad
2 maxamuud cabdixakiin cali.
16/3/16 Dagmada Biqod ee Gobolka Jarar waxay ciidanka Wayaanuhu xidhay iyo jidh dil isugu dareen dadka kala ah
1 cabdikariim sheekh maxamad
2 faadumo axmad samriye
3 maxamad sayid cabdiqaadir.
16/3/16 Dagmada Qabridahare waxay ciidanka cadawgu kuxidh xidheen dadka kala ah
1 ladnaan maxamad barre
2 raxma khadar axmad jees
3 deeq geedi.
16/3/16 Dagmada Iimaybari ee Gobolka Shabeelle waxay ciidanka gumaysigu ku xidheen
1 kaamil cabdi qaadir
2 santuur cali.
16/3/16 Tuulada Farmadow ee Gobolka Qoraxay waxay ciidanka wayaanuhu ku xidheen Jamaal Cali.
15/3/16 Dig oo Dagmada Awaare ee Gobolka Jarar katirsan waxay ciidanka cadawgu ku xidheen
1 cabdi guray
2 Jowhar baabuur
3 faarax waal oo magaciisa oo dhan aanaan haynin.
13/3/16 Dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob waxay ciidanka gumaysigu ku xidh xidheen dadka kala ah
1 cabdulaahi muxumad cabdi
2 mahdi raage
3 nimco cabdi wali.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay