Wadanka Ruushka ayaa sheegay inay xoog u adeegsan doonaan dhinacyada jabiya xabad joojinta Suuriya, hadii uusan Maraykanka ogolaan wixii lagu heshiiyay.

Wasaarada Gaashaandhiga ee Ruushka ayaa sheegtay inaan lasii wadi karin wadahadalka, iyadoo dadka ay dhimanayaan maalin walba. Bilowgii toddobaadkii labaad ee wadahadalka madaxa wakiilada dowlada Suuriya, Bashar Ja’afari, ayaa ku adkaystay in mustaqbalka Assad aan laga hadlayn.

Wuxuu kaloo sheegay in horumarka laga gaadhayo wadahadalka uu yar yahay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay