Wararka iyo sawirada laga soo duubayo Addisababa waxay muujinayaan in subax dhaweyd la soo tuusay iyadoo magaalada meelwalba lagu qoray ereygaa – Beka – xataa basaskii waaweynaa ee magaalada dhex socday ayaa lagu buufiyay – Beka. Erey bixinta –BEKA- waxaa lahaa shacabka Masaarida oo ku yidhi madaxweynihii hore laga eryay xukunka – Kifaaya!

Arintaa waxay argagax badan ku abuurtay Meles iyo kooxdiisa 20ka sano ku soo xukumayay Itobiya barnaamij ah isku dir, kala qaybin, cabsi galin, dil iyo xabsi aan loo mudada loo aabayeelin. Hadda waxay isku raaceen shucuubta Itobiya inay yidhaahdaan –Beka – waxaana u madalsan bisha soo socota in la xooro heeryada cabsida oo shafka loo dhigo xabadda ciidamada uu ku soo ururiyaya Adisababa.

Shacabka S.Ogadenya ayaa iyagu horey u diiday inay u hogaansamaan dulaysiga Wayaanaha, iyagoo ugu yaraan 20kii sanee uu xukunka haystay KT Meles kula jiray dagaal aan isu dheeli tirnayn.

Waxay maanta aqoonsadeen shucuubtii Itobiya gaar ahaan qawmiyadihii ku dhaganaa in jabhadda ONLF ay ka shaqaynayso burburka Itobiya oo aan waxba lala qabsan karin, waxay maanta xaqiiqsadeen in shacabka S.Ogadenya la’aantood aanay iska xoreyn karin gumaysiga Wayaanaha ee TPLF. Waxaa qasab ku noqotay inay kala doortaan adoonsiga iyo cadaabka TPLF iyo wax wada qabsiga shacabka S.Ogadenya, waxaadna moodaa hadda inay ka soo dageen geedkii dheeraayee ay fuuleen oy u soo diyaar noqdeen in si wadajir ah la’isaga dulqaado adoonsiga iyo cabudhinta iyo cadaadiska Wayaanaha.

Awood is-hortaagi karta majirto shacabkii Itobiya oo isku raacey inay ku yidhaahdaan KT Zinawi – Beka ! Enough ! Kugu Filan !.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay