Waraka nagasoo gaadhaya xarunta dhexe ee jabhada ONLF ayaa faahfaahin kawarbixiyey Baabuur ay laheeyeen dabaqoodhiga u adeega gumaysiga oo gadoomay iyo meleeshiyaad ay iska dileen.
23/3/16 Tuulooyinka Dig iyo Ananu oo dagamada Awaare ee gobolka Jarar kawada tirsan ayaa deegaan udhexeeya waxaa ku gadoomay gaadhi ay wateen maleeshiyaadka Dabaqoodhiga waxaan ku bakhtiyay dabaqoodhi badan oo aan wali tiradooda lahayn iyadoo uu dhaawac halis ah soo gaadhay 9 kamid ah dabaqoodhiga waxaana helay labakamid ah magacyadooda oo kala ah
1-Muxyadiin Aadan.
2- Ina C/Qaadir Fooloow oo kamid ahaa qubajoogtii dabaqoodhiga ahayd ee katimad Maraykanka.
23/3/16 Galadiid oo dagmada Qabridahar ee xarunta gobolka Qoraxay waxaa is kudhacay 2 baabuur oo ay wateen laba maleeshiyaad oo kamid ah dabaqoodhiga waxana halkaasi ku halaagmay iyadoo aysan waxbana kamabixin dabaqoodhigii saarnaa labadaasi gaadhi

23/03/2016 Galadiid iyo magaalada Qabridahar dhexdooda waxaa ku gadoomay gaadhi ay wateen maleeshiyaadka dabaqoodhiga ah waxaana lasheegayaa in gaadhiga gadoomay ay saarnaayeen maamul kusheeg a waxaana lasheegayaa in khasaare lixaadle uu halkaasi ka dhashay.

22/03/2016 Tuulada Galadiid oo dagmada Qabridahar katirsan waxya afar kamid ah dabaqoodhiga kusugnaa Tuuladaasi ay sidlee mid ah ah maleeshiyaadkooda iyagoo ku armay culimadii inay dhaqaan oo ay ku tukadaan arintaasi oo ay culimadu is badheed ah udiidaa, kadib waxay dhibaato baahsan oo garaacis ah ugasyteen dadkii Tuulada oo ay ku armeen in la aaso dabaqoodigaas ay dileen.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay