Wararka nagasoo gaadha gobolada Oromada iyo Axmaarada ayaa sheegaya in xaalad aad uqasan ay deegaanaadi ka jirto iyadoo kacdoonaydii kasocday labadaasi gobol ay saamayn ku yeesheen dadkii gumaysiga u adeegayey ee kasoo jeeday labadaasi gobol.

Jahwareeka haysta xukuumada wayaanaha ayaa sababay in kala shaki xoogan uusoo kala dhex galo kuwii markii hore ay ku adeegan jirtay ee isku jiray maamulka iyo shaqaalaha.

Kooxda TPLF ayaa qaaday tuhun wayn oo ah in xidhiidh hoose uu ka dhexeeyo shaqaalaha labadaasi gobol iyo dadka shacab ah ee mudada shanta bilood kabadan wada kacdoonka lagu diidan yahay nidaamka cabudhinta ku dhisan ee Adis ababa.

Arintan ayaa sababatay in shaqadii laga caydhiyo dhowr kun oo ruun kuwaasi oo shaqaynayey howlo kala duwan.

Gobolka Axmaarada ayaa lasheegayaa in shaqadii laga eryey 2700 oo ruux, halka gobolka Oromadana shaqo ka fadhiisin lagu sameeyey 360 ruux oo ay ku jiraan wasiiro iyo hawl wadeeno markii hore dhibaatooyin ugaysan jiray dadka shacab ka ah.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay