Waxaa si haboon  uga socda caasimada wadanka Eritrea ee Asmara shir-waynihii koobaad ee Isbaahaysiga shacabka xoriyada iyo dimuqraadiyada ee PAFD.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen dadwayne aad u badan oo isugu jirtay, wafuuda ka socota shanta urur ee isbaahaysigani ka kooban yahay, duplamaasiyiin iyo marti sharaf  kale ayaa ku socda jawi aad u wanaagsan  oo dhamaanba ay ku qanceen kasoo qayb galayaasha shir waynahan.

Waxaana laga soo jeediyey shirkan   khudbado ku saabsanaa hawlaha isbaahaysiga, xaaladaha geeska  Afrika, gaar ahaan, mida Itoobiya  iyo guud ahaanba caalamka.

Hadaba shirwaynaha isbaahaysiga oo maalintii afraad galay,  waxaa horyaalay  qodobo badan, oo ku saabsanaa qaab-dhismeedka Isbaahaysiga iyo shuruucdii uu ku hawl gali lahaa, waxaana la sameeyey lix kooxood oo dib u fiirin iyo sixitaan ku samaysa  shuruucdii qabyada  ahayd ee isbaahaysiga.

Dood dheer,falanqayn iyo fikir iswaydaarsi kadib, waxaa si buuxda loo ansixiyey dukumantigii rasmiga ahaa ee  Isbahaysiga  iyo shuruucdiisa.

Qaabdhismeedkii ururka stratajiyadii iyo qorshayaashuu ku shaqan lahaa isbaahaysigu.

Intaas kadib, waxaa la soo bandhigay qaabdhismeedkii ururka oo ka kooban Gudoonka ururka iyo gudiga fulinta.

Gudoonka Ururka:

Gudoonka ururku wuxuu ka kooban yahay shan xubnood;

  1. Gudoomiyaha isbaahaysiga
  2. Gudoomiye ku xigeenka koowaad
  3. Gudoomiye ku xigeenka labaad iyo laba xubnood oo kale oo ka mid ah gudoonkaiga  Isbahaysiga.

Gudiga fulunta.

Wuxuu ka kooban yahay shan xafiis oo kala ah;

-Xafiiska siyaasada iyo arimaha ururka.

-Xafiiska xidhiidhka  caalimiga ah & arrimaha dibada.

-Xafiiska gaashaandhiga.

-Xafiiska dhaqaalaha

Iyo  Xafiiska War-faafinta & Xidhiidhka.

Dhamaanba xubnaha gudoonka ururka iyo gudiga fulintu waxay ka kooban yihiin 30 xubnood oo urur kastaa oo isbaahaysigan ka mid ahi uu ku leeyahay 5 xubnood.

Waxaa intaas dheer oo la sameeyey xafiiska xogahaynta  oo isaguna ka kooban shan xubnood oo urur kastaa ku leeyahay xubin.

Sidoo kale waxaa la la go’aan saday in la sameeyo ururo bulsho oo isbaahaysigu yeesho sida ururada  dhalinyarada iyo haweenka.

Sikastaba ha ahaatee, shirwaynahan oo waxyaabo badan lagu lafa guray islamarkaasna maraya heer gabo gabo ah ayaa maalinta bari ah uu qorshuhu yahay  hadiii alle idmo,in la qabto  xafladii lagu soo xidhi lahaa shirwaynahan.

Waxaana xafladaas lagu marti qaaday duplamaasiyiin, ururo caalami ah  iyo marti sharaf sare.

 

Kala Soco ONA wararka dheeriga ah & go’aamada ka soo bixi doona shir waynahan Isbahaysiga PAFD.

sawir 2hasawika1sawirka4sawirka3hsawirka4

sawirka5sawirka6sawirka7

sawirka8sawirka9sawirka10sawirka11

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay