Magaalada Musil ayey gacanta ku dhigtay Kooxda Daacish sanadkii 2014, magaaladaasi ooy ku dhaqan yihiin dad gaaraya 2 milyan oo qof ayaa ah magaalada ugu weyn ooy koxoda Daacish ka taliso dhulka ay heystaan ee Ciraaq iyo Suuriya. Xukuumada Ciraaq ayaa in muddo ah waday abaabul xoogleh ooy ciidamo ku gaynayso waqooyiga Ciraaq si ay uga qeyb qaataan hawlgalkan maanta bilowday.

Magaalada Musil ayaa 360-km u jirta Caasimada Baqdaad waxaana labada dhinac ee koonfur iyo Waqooyi hada ka kala fadhiya ciidamada Ismaamulka Kurdida iyo kuwa Federaalka Ciraaq, waxaana la sheegay in ciidamada ay taageero dhanka cirka ah ka helayaan diyaaradaha Maraykanka.

Maraykanka ayaa todobaadkii lasoo dhaafay sheegay inuu ciidamo horleh u dirayo dalka Ciraaq si ay gacan uga siiyaan tababarada iyo hagida dagaalka la doonayo in lagu qaado maleeshiyaadka fadhigoodu yahay magaalada Musil.

Hadii dowlada Ciraaq ay ku guuleysato inay dib u qabsato magaaladaasi Musil ayaa waxay guul weyn u noqon doontaa xukuumadaasi iyo xulafadooda Maraykanka oo labadii sano ee lasoo dhaafay dagaal culus kula jiray xoogaga Daacish.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay