Wadanka Ruushka ayaa horaantii bishan sheegay in intii badnayd ciidamadooda ay kala baxeen wadanka Suuriya kadib markii ay guteen hawshooda, sida uu sheegay Madaxweyne Vladimir Putin, walow Ruushka uu weli saldhigyo ciidanka badda iyo cirka uu ku leeyahay gobalka Latakiya ee waqooyi galbeed wadankaasi Siiriya.

Sida laga soo xigtay saraakiil sare oo ka tirsan wasaarada Gaashaandhiga ee Ruushka ayaa sheegaya in ciidamadan khaaska ah ay u joogaan wadanka Suuriya sidii ay xog uga soo aruurin lahaayeen goobaha ay ku sugan yihiin “Cadowga” iyo fulinta hawlgalo khaas ah.

Xukuumada Ruushka ayaa iyadu hoos u dhigtay ciidamada ka jooga suuriya maadaama uu hawlgalkaasi ahaa mid dhaqaale badan uga baxay, balse Ruushka marnaba ma doonayo inay meesha ka baxdo xukuumada ay xulafada yihiin ee Bashar Al-Assad oo isagu muddo dheer u fasaxay ciidamada Ruushka saldhiyada ay ku leeyihiin dalkiisa oo ah xarumaha kaliya ee uu Ruushka ku leeyahay Bariga Dhexe.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay