Wararka naga soo gaadhaya gudaha wadanka Ogadenia ayaa sheegaya khasaare kala duwan oo ciidanka Hawaarinta ee dhidid dhowrka u ah ciidamada gumaysiga soo gaadhay. Khasaarahan soo gaadhay Hawaarinta ayaa isugu jira islayn dhexdooda ah kadib niyad jab iyo kala shaki kuyimid iyo khasaare kasoo gaadhay baabuurta ay saaran yihiin oo aad ugadooma iyagoo ka baxsanaya jid gooyada CWXO, Warkan oo aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa uqoraa sidan.

22/3/16 Galadiid oo Dagmada Qabridahare katirsan waxay ciidanka hawaarintu iskaga dileen 1 askari waxayna dadkii shacabka ahaa ku amreen in ay dhaqaan bakhtiga ninka kuna tukadaan kadibna aasaan balse waxaa arinkaas iska diiday culimadii tuulada oo si badheedh ah udiiday dhaqis iyo kutukasha toona waxaana goobta lagu  maxaabiisay culimadii halka bakhtigiina sidiisii lagu aasay.

23/3/16 Galadiid oo Qabridahare katirsan waxaa isku dhacay labo baabuur oo kuwa Hawaarinta ah waxaana
kubaaba’ay ciidankii saaraa.

23/3/16 Dig iyo Ananu oo Gobolka Jarar katirsan dhexdooda waxaa kugadoomay Baabuur ay Hawaarintu wadatay
waxaana ku bakhtiyay ciidan badan oo Hawaarin ah halka 9 kalana ay kudhaawacantay, dhaawaca hawaarinta oo aad u liita waxaa kamid ah Muxiyadiin aadan iyo Ina cabdiqaadir fooloow.

23/3/16 Jidka isku xidha Qabridahare iyo Tuulada Galadiid waxaa shil kugalay baabuur kamid ah kolonyo ina ilay uu lasocotay oo Qabridahare kusii jeeday waxaana lacadeeyay in ay baabuurtaas xawaare dheer kusocdeen si ay uga badbaadaan dhabagal lagu sameeyo, warka ayaa intaas kudaraya in baabuurkaas ay ku halaagsameen ciidan badan oo kuwa daba socda ina ilay ah.

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay