Wararka naga soo gaadhaya magaalada
Qabridahare ee xarunta Gobolka
Qoraxay ayaa sheegaya shirar isdaba joog ah oo
mudo labo todobaad ah
uga socday saraakiisha ciidanka Gumaysiga ee
fadhigoodu yahay
magaalada Qabridahare, kulamada xidhiidhka ah
ee u dhexeeye
saraakiisha ciidanka wayaanaha ayaa soo
bilowday 12 bishan March
wuxuuna soo xidhmay 23dii isla bishan.
Warkan oo aan kahelay wariyaha ONA uga
soowarama Ogadenia ayaa
sheegaya in aan xog badan lagahaynin balse uu
jiro khilaaf siguud ugu
dhaxeeya ciidanka gumaysiga oo qoomiyad
qoomiyad kusalaysan waxaana
kudaba jiraa xaqiiqada kulamadaas oo ay
kamadhnayn qorshaynta gumaadka
shacabka ree Ogadenia ee kuhoosnool.

Sidoo kale wariyaha ayaa sheegaya in ay
xukuumada wayaanuhu shaqaale
aad ubadan oo Oromo iyo Axmaaro ah shaqadii
ka eryeen isla markaana
labadaas gobol waa Axmaarada iyo Oromada e
uu kajiro qas iyo kalalaaso
badan oo dadka dhalin yarada ah ay
samaynayaan, warka ayaa intaas
kudaray in Gobolka Oromia laga eryay shaqadii
3600 oo shaqaale iyo
maamul isugu jiray halka Gobolka Xabashidana
laga eryay 2700 oo qof
oo shaqaale hoosaad ah.

Sikastaba ha ahaatee waxaa laga dayrinayaa
xaalada siyaasadeed ee guud
ahaan wadanka Ethiopia looyaqaano waxaana jira
dadwayne aad ubadan oo
kukacsan xukuumada gumaysiga.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay