Shir si wayn  loosoo  abaabulay ayaa  maanta  ka dhacay xafiiska  jaaliyada ee  magaalada  Pretoria  ooy ku taalo  xarunta jaaliyadu wuxuuna  shirku bilawdey  salaada  jimce kadib sida  caadada  ahayd  waxaa shirka lagu furay  wacdi  Diini ah  waxaana  warbixin gudo  balaadhan  oo  meelo  badan tabaneysa  kasoo  jeediyey  gudoomiyaha  jaaliyada k/africa mudane  Faysal Nafti-gade.

Wuxuuna  gudoomiyuhu kawar bixiyey xaalada  halganka iyo  mida  gumeysiga  Itoobiya ee jaah-wareerku  ku dhacay. Wuxuu  gudoomiyuhu  xubnaha  si adag  ugu sheegay in maanta  loo  baahan yahay iney  dhexda  u xidhaan  sidii  aan u difaaci  lahayn  dalkeena  iyo  khayrad keena  ay usoo  xayd-xaydanayaan  wadamada shisheeye.

Dhanka  kale  waxaa  shirka  qadka  talefonka  kaga  soo  qayb galay  Gudoomiyaha  Xarunta Dhexe ee JWXO N/hure Axmed  Aroori  wuxuu  si balaadhan  uga  war bixiyey  xaalada  halganka  iyo  mida  shacabka  ogadenia  wuxuuna  si  wayn  dhalin yarada  ugu  guubaabiyey  inay  yahiin  awood  loo  baahan  yahay oo kayd  halganka  u ah barina  qoriga  qaadi  doonta.

Sidoo  kale  wuxuu  warbixin  qodo  dheer  ka  bixiyey  mesha  ay  maanta  marayso  xalada  gumaysiga  Itoobiya wuxuu  N/huruhu sheegay  in  kaliya  uu  maanta  jiro  magacii  Itoobiya ooy  cagta  saartay wadadii  burburka  iyo  kala  dhaqaaqii  wuxuuna  kusoo  hal qabsadey  in  maata tahay 1991  buburkii Itoobiya loona  baahan  yahay  in  shacanka  reer ogadenia  ka  faa,iideysto  fursada maanta hortaala. 

Dhinaca kale   waxaa  shirka  dhamaadkiisii   gabayo  aad  u qiira  badan  kasoo  jeediyey  gudoomiye  halgame abwaanka ereyada macaan   mudane Abdiraxmaan siciid. Tixdan gabayga ah ayaa jawigii shirka badashay oo shucuur aad u qiiro badan ku abuurtay xubnihii kasoo qaybgalay.

Isku soo  duuduuboo  shirkan  ayaa  kusoo  dhamaadey  jawi  aad  u  wanaagsan iyo guul  aad  u  mug  wayn wuxuuna  ahaa  mid  shucuur  gaara leh.

ONA/ Koonfur Africa

MYXJ_20160325151634_fast-1

MYXJ_20160325151545_fast-1

MYXJ_20160325151526_fast

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay