Shir lagu xusayay maalinta xasuuqa shacabka somalida ogadenia ayaa ku qabsoomay xarunta jaaliyada ogadenia ee London. Shirkaas oo loogu baroordiiqayay looguna ducaynayay dadkii faraha badnaa ee Gumaysiga Ethiopia ku gumaadday waddanka Ogadenia. Xasuuqaas oo soo socday ilaa maalinkuu Gumaysiga soo galay dhulka ilaa iyo maanta.

Shirka oo laga soo jeediyay khudbado, wacdi diini ah iyo hadalo kale oo guubaabo ah ayaa dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Jaaliyadda Ogadenia ee London Mudane Yuusuf Qabile, oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la xuso dadkii uu gumaysigu xasuuqay. Sh Cabdullaahi Sagal, ayaa isaguna wacdi diini ah kasoo jeediyay, Isagoo sheekhu xusay in la samro, maadaama Ilaahay guusha siinayo inta samirta.
Waxaa isaguna khudbad meelo badan taabanaysa gaar ahaana sababta dhulka ogadenia loo gumaysto, khayraadkiisana loo boobayo, Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee JWXO Mudane Sh Maxamed Cabdi Yasin Diirane. Waxu Mudane Diirane sheegay inaan khayraadka Ogadenia koob laga daraynin inta uu shakhsi Somalida Ogadenia ah nool yahay.

Waxaa Sidoo kale khudbad aad u qiimo badan kasoo jeedisay madasha aqoonyahan Cumar Saleebaan, oo ka hadlay taariikhda ummadda Somaliyeed iyo siduu Gumaysigu u qaybqaybiyay. Iyo sida ay muhiim u tahay in ay xoroobaan somalida Meel walba oo ay joogtaba.

Waxaa iyaguna doorkooda ka qaatay oo  khudbado aad muhiim ah kasoo jeediyay ururrada bulshada Ogadenia sida UHO iyo OYSU.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen Marti farabadan, sida Oromoda, Ahmarada iyo qoomiyadaha kale ee Ethiopia gumaysato, ayaa ku soo dhammaaday guul iyo duco loo ducaynayo ummaddii ku waxyeelowday dhibaatooyinka Gumaysiga.

Halgan Guuleed

ONA/ London

image-0a9d893a51a15a43f27582de6fb84511c581a69f63fd9a5e5bc005566f745721-V image-0e71ff2f0d2a42d91dc2006cc8e6a70bddb3f52f48ae9dd501add75f2110f7c4-V image-5d3cfb2e5b2a17d9af77dd96816df08883964c795f0c11b4570983e43b1cf6c7-V image-08b10cbbce341774f288d9a857d074dac54fec71eb2f9ebb6a9884ad3db04afb-V image-ad89fa2c324fb42f0af7ed80b60a98949455e1c70b76d87d62b538a3ae602a72-V image-eecd44569f3ae7a1565b845dfe9456434741899b184d7cc07884de0cb456e11e-V image-f46c99363141fee155b81d8cb77dab3b038fba556bce7423c9580990314d4bc0-V

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay