Wasaarada Difaaca ee Maraykanka ayaa xaqiijisay in ladilay Wasiirkii Maaliyada ee ISIS / Daacish. Ninkan ayaa lagu magacaabo Cabdiraxmaan Musdhafa Al-Qaduuli, wuxuu  horay uga soo mid ahaan jiray Al-Qacidada Ciraaq isla markaana kamid ahaa hogaamiyayaasha Shabakada Al-Qacida ee qaabilsanaa xidhiidhka dibada ayaa muddooyinkii dambe ahaa Madaxa maaliyada ee kooxda Daacish.

Al-Qaduuli ayaa lagu dilay weerar duqayn ah todobaadkan siduu sheegay Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka Ash Carter. Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay dadaal xoog leh ugu jirto inay ka takhalusto dhamaan hogaanka Daacish gaar ahaan Golaha Wasiirada ee ISIS oo dhamaantood ku dhuumaaleysanaya goobo kamid ah waqooyiga Suuriya iyo Ciraaq.

Horay ayuu Maraykanka u sheegay inuu duqeyn ku dilay Madaxii hawlgalada ee ISIS. Dilka Al-Qaduuli haday rumawday ayaa waxay ku noqonaysaa Daacish dharbaaxo culus taasoo saamaynteeda yeelan karta.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay