16 mudane oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka oo uu ka mid yahay Keith Ellison ayaa saxiixay warqad ay kaga dalbanayaan guddiga arrimaha dibedda ee congress-ka lacag dhan $87.7 milyan. Lacagtan ayaa mudanayaasha waxay sheegeen in lagu taageerayo hay’adaha dawliga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kaabayaasha dhinaca dhaqaalaha.

Waxay sheegeen in Bariga Africa ay soo waajahday abaar adag sababtoo ah aafada ka dhalatay cimilada El-Nino. Mudanayaasha ayaa sidoo kale sheegay in dhowaanahan guulo waa weyn laga gaaray kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya, sidaas darteedna ay doonayaan in lasii xoojiyo dhismaha iyo awooda dowladda Soomaaliya.

Meelo kamid ah Somaliya ayaa waxaa ku dhuftay abaar aad udaran oo saamaysay nolosha malaayiin Somali ah.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay