Shir balaadhan ooy isugu yimaadeen Gudiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ayaa looga hadlay Abaaraha ba’an ee kajira dalka. Shirkan ayaa waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay Ururada bulshada rayidka, Culimada iyo Dhalinyarada waxayna dhamaantood muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin ka qayb qaadashada abaaraha baahsan ee ku dhuftay qaybo badan kamid ah goboladda dalka Somaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aden Ibrahim Farketi oo xubin ka ah gudiga ayaa intii shirku socday wuxuu balan qaaday in dowladu bixinayso lacag gaadhaysa 1,000,000 Milyan oo doolar si wax looga qabto Abaaraha kajira dalka Somaliya.

Gudigaan oo shaqadoodu tahay wax ka qabashada abaaraha ayaa waxaa looga dhawaaqay khamiistii lasoo dhaafay shirkii golaha Wasiiradda, waxaana hogaaminaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Gudigan ayaa u xilsaaran isku xidhka Dawladda Dhexe, Dowlad Goboleedyada, Beesha caalamka, Wacyi galinta Shirkadaha gaarka loo leeyhay, Ganacsatada, iyo Hay’adaha Maxaliga ah inay gacan buuxda ka gaystaan ka qayb qaadashada Abaaraha saameeyey gobolo katirsan dalka Somaliya.

Ugu dambayntii Gudiga ayaa ugu baaqay Beesha caalamka, Jaaliyadaha dibadaha, Shirkadaha waaweyn ee dalka kajira iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed iney gacan ka gaysataan wax ka qabashada Abaaraha, oo saamayn ku yeeshay Xoolaha, Beeraha iyo Dadka intaba.

Abaaraha ka taagan Soomaaliya ayaa ah kuwo aad u kulul, waxaana meelaha qaar la sheegayaa in ay ka daran tahay abaartii dhacdey 1974, gobolada ugu daran ayaa ah Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari Soomaaliya.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay