Ciidamada dawladda Suuriya ayaa dagaal kula wareegay magaalada taariikhiga ah ee Tadmur (Palmyra), sida ay ku warantay warbaahinta dawladda Suuriya. Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamiga ee Daacish ayaa gacanta ku haysay magaaldaasi tan iyo bishii May 2015-kii.

Tadmur ayaa ah mid kamid ah magaalooyinka ugu taariikhda wayn Bariga Dhexe. Ciidammada Suuriya oo gacan ka helaya diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo malayshiyo dawladda taageersan ay dagaalkan ka waday furimo dhawr ah.

Muuqaalo si toos loo soo tabiyay ayaa muujinaya uuro cirka isku shareertay iyadoo taangiyo iyo qoryaha darandooriga u dhaca lagu garaacayo magaalada. Rasaas ayaa wali laga maqlayaa dhinaca Bari ee magaalada Tadmur. Todobaadkan horaantiisii, ciidammada dawladda Suuriya ayaa dib u qabsaday balse waa laga saaray.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay