Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ugu horeeyo xaga isreeb reebka codbixinta hordhaca ah ee xisbiya Donalda Trump ayaa fikradisii ugu balaadhnayd ka bixiyay siyaasada arrimaha dibbeda ee wadanka Maraykanku uu yeelan doono haduu ku guulaysto doorashada madaxtinimada Maraykanka ee dabayaaqada sanadkan aan kujirro.

Donald Trump waxuu cadeeyay habka ugu horeeya ee Maraykanka uu u wajihi doona siyaasada arrimaha dibada. Mar u wareysi la yeeshay Wargayska caanka ah ee Newyork Times waxaa u sheegay in uusan ahayn gooni u goosad.

Balse waxa uu sheegay inuu ka walaacsan yahay qaabka Maraykanka ay u isticmalaan wadamada saxiibadiisa ah.  Donald Trump ayaa intaasi ku daray in u dhamaan joojini doona shidaalka maraykanka u kasoo ibsanaayo Dalka Sacuudiga. Waxuuna arintaasi shuruud uga dhigay in Sacuudiga uu ciidan u diro dalka Suuriya.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay