Maalinnimadii shalay oo ahayd maalin Axad ah taariikhduna kubegnayd  27/03/2016  waxaa xerada qoxootiga ifo ee deegaanka dhadhaab kadhacay shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU faraciisa Muftaxul-Xorriyo ee kahawl gala xerada Ifo.

Shirka oo ahaa mid si heer sare ah u abaabulan ayaa furmay abaarihii 2:00 pm duhurnimo Waxaana kasoo qayb galay inta badan xubnaha ururka OYSU  Ifo.
Waxaana sidii caadada ahaydba shirka lagu furay  ayaado kamid ah qur’aanka kariimka ah  iyo wacdi diini ah oo aad iyo aad uqiimo badan oo uu soo jeediyay halgame sheekh Cabdifatax oo kamid ah culimada ogadenia wuxuuna sheekhu
Aad ugahadlay jihaadka iyo waxa ay diinta islaamku kaqabto halganka xaqa ah ee kasocda ogadenia JWXO na hormuudka katagay asagoona udardaarmay xubnaha Samir iyo dulqaad.

Sidoo kale waxaa lakalaqaatay warbixinno farabadan oo  dhan walba taabanaya Waxaana sigaar ah looga warbixyay heerka siyaasadeed ee halganka iyo waliba mida gumaysiga taagta daran ee wayaanaha iyo halka ay maanta waxmarayaan.

Intaa kadib waxaa laguda galay qodabadii shirka loogu talagalay oo ahaa runtii kuwo midho dhalinkara Waxaana shirka lagasoo saaray go’aamo waxku ool ah
Waxayna xubnuhu isku dhaafsadeen afkaar aad u wanaagsan

Guntii iyo gabagabadii  shirka ayaa kusoo dhamaaday
Guuul iyo jawi dagan wuxuuna shirku
sooxidhmay abaarihii 4:00 kalabnimo ee wakhtiga Dadaab.

Abdullahi yare
ONA
IFO DADAAB.

IMG-20160328-WA0001 IMG-20160328-WA0002

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay