Waxaa maanta ooy taariikhdu tahay 28.03.2016ku  qabsoomay magaalada Asmara ee caasimada wadanka Eritrea, shirkii ugu horeeyey  ee Gudiga Fulinta ee  Isbaahaysiga Shacabka  ee Xoriyada iyo Dimuqraadiyada (PAFD).

Shirkan oo aad muhiim u ahaa, waxaa lagaga hadlay qorshayawga shaqo ee xafiisyada kala duwan ee uu ka kooban yahay isbaahaysiga PAFD.
Sidoo kale waxaa lagaga hadlay xaalada siyaasadeed ee Geeska Afrika gaaar ahaan mida Itoobiya. Kadibna wuxuu gudikasta oo ka tirsan xafiisyada uu isbaahaysigu ka kooban yahay soo bandhigay qorshe shaqeedkii uu ku hawl gali lahaa mudo sanad ah.

Dood dheer iyo falan qayn kadib, waxaa laysla meel dhigay nooca shaqo ee la qabanayo mudada sanadka ah hadii ay tahay  dhanka
Ciidanka, Abaabulka, Siyaasada iyo aduunwaynaha usoo bandhigida qadiyada isbaahaysiga iyo barnaamijyadiisa siyaasadeed. Wuxuu gudiga fulintu ansixiyey dhamamaanba qorsho hawleedkii ay soo bandhigeen xafiisyadu.

Intaas kadib, waxaa aad  looga dooday xaalada guumaysiga Ethiopia sida xasuuqyada kasocda gobalada Oramiya, Ogadeniya, Gambeela iyo
Benishaanguul, waxaana la soo bandhigay war bixino maqal iyo muuqaal ah oo ku saabsan dhibaatooyinka kajira gobaladaas iyo guud ahaanba Itoobiya.

Waxaana la isla meel dhigay sidii beesha caalamka loogu soo bandhigi lahaa xasuuqyada ka socda gobalada uu isbaahaysigani ka kooban yahay iyo guud ahaanba dhibka haysta shucuubta Ethiopia. Maadaama ay xukuumada wayaanuhu noqotay mid ku cimri dheeraysata,
daadinta dhiiga shacabka islamarkaasna ay dadwaynaha iyo shucuubta kala duwan ee Itoobiya ka daaleen kooxda dhiig-miiratada ah ee
wayaanaha.
Hadaba shirka gudiga  fulinta ee  Isbaahaysiga Shacabka  ee Xoriyada iyo Dimuqraadiyada (PAFD) oo lagaga hadlay  arimo badan oo khuseeyey isbaahaysiga, geeska  africa iyo caalamkaba  ayaa ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan.

ONA/Asmara

6 (1)

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay