Wuxuu sheegay dhimista shaqada inay saamaynayso shaqaalahooda kala jooga adduunka, laakiin inteeda badan waxay saamaynaysaa shaqaalaha jooga Qadar.

Ku simaha agaasimaha guud Mostefa Souag, ayaa sheegay in go’aanka uu ahaa mid adag, laakiin uu kalsooni ku qabo inay tahay talaabo sax ah. Aljazeera oo ay maalgaliso dowladda Qadar, ayaa la aasaasay 1996 waxayna leedahay in ka badan 70 xarumo adduunka.

Hadal ay soo saartay Aljazeera ayaa ku tilmaantay talaabadan in looga jawaabayo isbadalo warbaahinta oo dhan oo hada socda. Sanadkan horaantiisii ayay Aljazeera ku dhawaaqday inay xirayso telefishinka Aljazeera Amerika oo ay dhawaan furtay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay