Ururka Dhaalibaan ee dalka Afghanistan ayaa gantaallo ku garaacday dhismaha cusub ee baarlamaanka magaalada kabul ayagoo qarxiyey daaqadaha mid ka mid ah dhismaha, Saraakiishu waxay sheegeen inaysan cidna ku dhaawacmin.

Weerarka ayaa dhacay ayadoo madaxa sirdoonka Afghamistan uu isu diyaarinayey inuu kala hadlo golaha baarlamaanka xaaladda amni ee dalka oo ka sii daraysa. Wasiirka kumeel gaadhka ah ee ee arrimaha gudaha ayaa raalli galin ka bixiyey dhacdadaasi, wuxuuna sheegay inuu soo rogayo talaabooyin cusub oo amniga lagu sugayo.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay