Bangiga Premier ee Soomaaliya oo horey u hirgeliyey adeegyo ay ka mid yihiin kaarka lacagaha lagu bixiyo ee Master Card ayaa hadda bilaabay adeegga kaarka ee VISA Card.

Adeegan ayaa u saamaxaya qof kasta oo Soomaaliya jooga oo haysta Card Visa ah inuu lacagaha kala baxo mashiinnada lacagta ee Bangiga Premier ee Somalia, iyo dunida oo dhan. Talaabadan uu Bangigu qaatay ayaa waxaa wax badan kusoo kordhinaysaa adeegyada kala duwan ee bunuugta caalamiga ah ay bulshada u qabtaan.

Hadii lagu guulaysto adeegyadan oo sidii loogu talogalay ay uga shaqeeyaan Somaliya, waxaa lasaadaalin karaa inay Bunuug kale oo caalami ah ay adeegyo kaloo muhiim ah ka bilaabi doonaa dalka Somaliya mustaqbalka dhaw.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay