Maxkamada Sare ee dalka Masar ayaa Isniintii soo saartay qoraal lagu sheegayo in shaqadii laga fadhiisiyey 32 Garsoore oo kamid ahaa kuwii ka horyimid inqilaabkii Militariga xukunka uga tuuray Madaxweynihii ladoortay ee dalka Masar Dr. Maxamed Morsi.

Garsoorayaashan ayaa iyagu sharci daro ku tilmaamay inqilaabkii militari ahaa ee 2013, waxayna talaabadan qayb katahay olole muddo dheer soo socday ooy xukuumada hogaamiyaha militariga Cabdifatax Al-Siisii ay ku aamusinayaan dhamaan dadka ay u arkaan mucaarid.

Xukuumada Al-Siisii ayaa horay xabsiga u dhigtay in badan oo kamid ahaa Ikhwaan Al-muslimiinka, waxayna ku xijisay xisbiyada kalee mucaaridka iyo waliba dhalinyaro badan oo kamid ahaa kuwii ka qayb qaatay kacdoonkii xukunka looga tuuray Madaxweynihii hore ee Xusni Mubarik. Waxaana hada muuqata in seefta Al-Siisii ay gaadhay hay’adaha garsoorka ee wadankaasi uu leeyahay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay