Shalay Abacadii ayaa koox hubeysan weerar ku qaadeen gaadhi ay lasocdeen muwaadiniin u dhashey dalka Turkiga kuwaasoo aan la sheegin shaqada ay Muqdisho u joogeen, laakiin la aaminsan yahay in ay ahaayeen shaqaale samafal.

Dableydan ayaa diley shan qof kuwaas oo laba ka mid ah ay u dhasheen dalka Turkiga, iyo saddex qof oo Soomaali ah oo kala ahaa darawalkii gaadhiga, turjubaan iyo waardiyihii labada qof ee Turkida ah. Weerarka ayaa ka dhacay degmada Hodan gaar ahaan xaafadda Taleex.

Ciidamada amaanka gobolka Banaadir ayaa goobta soo gaadhey, mana jirto cid loo qabtey. Ciidanka amaanka ayaa soo bandhigay weerar ay fashiliyeen oo loo adeegsan lahaa gaadhi bom lagu xidhey, waxaana lagu qabtey isla degmada Hodan ee maanta weerarku ka dhacay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay