5 qof ayaa ku geeriyootay weerar is-miidaamin ah oo ka dhacay banaanka hore ee Hotelka Uunlaaye Mehered ku taaley oo shaaha laga cabo. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay fuliyeen weerarka ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Afhayeenka ciidanka Malayshiyada Al-Shabaab, nin isku magacaabey Cabdicasiis Abu Muscab ayaa Raadiyaha Al-Shabaab ee Andulus u sheegay in weerar ay ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo ooy ku dileen saraakiil.

Weerarkan oo uu fuliyey qof naftiisa haligey, waxaana uu ka fuliyey meherad ku taala banaanka Hotelka Uunlaaye. Waxaa la ogyahay ilaa hadda in ay ku geeriyoodeen 6 qof oo uu kamid yahay Xisaabiyihii Maaliyadda gobolka Mudug Siciid Gaadayare. Waxaana ku dhaawacmay dad gaadhaya 10 qof.

Waxaa socda baadhitaan goobta qaraxu ka dhacay ee magaalada Gaalkacyo. Qofka is-qarxiyey ayaa ahaa nin laga yaqaanay goobaha ganacsiga ee uu hadda isku qarxiyey, waxaana uu dhaqi jiray gawaadhida.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay