Masuuliin ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga ee Maraykanka (Pentagon) oo saxaafada xog siiyey ayaa sheegay in dhawaan koox horleh oo ka tirsan maxaabiista ku xidhan Xabsiga Guwantanamo lasii dayn doono.

Tirada Maxaabiista lasiin deyn doono maalmaha soo socda ayaa lagu sheegay inay ka badan tahay 10 maxbuus, kuwaasi oo la sheegay in la gayn doono labo wadan oo kala duwan, walow aan la shaacin dalalka lagu wareejin doono maxaabiistaasi.

Xabsiga Guwantanamo ayey weli ku xidhan yihiin 91 maxbuus, waxaana marar badan isku dayey inuu xidho Madaxweynaha Barack Obama oo horey arrintaasi u balanqaaday. Balse xisbiga Jamhuuriga ayaa si weyn uga soo horjeeda in xabsigaasi laxidho, isla markaana hor istaagay qorshihii xukuumada soo hordhigtay Baarlamaanka.

Obama ayaa dadaal ugu jira in maxaabiista xabsiga ku jirta halkaasi laga siidaayo inta uusan dhamaan wakhtiga uu xilka hayo oo ku eg bisha Janaayo ee 2017. Xabsigaasi ooy furtay xukuumadii ka horeysay ee George W Bush kadib weeraradii September 11 2001, ayaa waxaa jidhdil xoogleh loogu gaystay maxaabiista ku xidhan oo intooda badan aan wax dambi ah lagu soo oogin in ka badan 10 sano ooy halkaasi ku xidhnaayeen.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay