Maxkamada sare ee wadanka Koonfur Afrika ayaa go’aan ka gaadhay dacwad ka dhan ah Madaxweyne Jacob Zuma oo la xidhiidha lacagta dowladda oo lagu bixiyay guri uu dhisanayay.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in Mr. Zuma uu ku guuldaraystay inuu adeeco dastuurka, isagoo iska indho tiray baadhitaankii ay sameeyeen hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa. Hogaamiyaha mucaaradka ayaa ku baaqay in madaxweynaha uu xilka kadago.

Sanadkii 2014-kii ayaa hay’adda ilaalada lacagta dadwaynaha ee wadanka Koonfur Afrika, ay heshay in madaxweynaha uu ka faa’iiday malaayiin dollar oo gurigiisa uu ku dhisay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay