12919080 489335824605747 1314691584 n

 

 

Ururka Dhalinyarada Ardayda Somalida Ogadenia OYSU Ee Wadanka Yeman Gaar ahaan Magala madaxda dalkaas ee Sanco ayaa kulankoodii cadiga ahaa ee todobaadka kagana Arisanayeen xaalda dhalinyarda iyo Arimaha Gudaha Ogadenia ka cusub ee shidaalka oo maanta u qabsoomay OYSU Yeman.

Shirkan ayaa sidii cadada aheyd waxa lagu furay ayadaha Quraanka Kariimka iyo wacdi diini ah waxaana soo jeediyay  Sheikh Maxamed Cabdulaahi , intas kadib waxa la guda galay Ajandihii shirka waxana lagu  soo dhawayay Xoghayaha OYSU Sanca Yeman Mudane Axmed Nuur oo warbixin gudaha iyo dibadaba la wadagay Xubnaha OYSU Sanca Yeman wuxuuna warbixn kooban ka siiyay Arimah Gudaha Ogadenia ka cusub oo ay ka mid yihiin Shidaalka Dhulka Ogadenia ay u hanqal tagayaan Ethiopia iyo Djibuti iyo sida shacabka Somalida Ogadenia Guda iyo dibadba ay uga midaysan yihiin Dhaqalaha Dhulkeena Hodan ka ah in Raali aysan ka aheyn intuu wiil iyo gabadh ka nool yihiin ay difaaci doonaan dhulkoda hooyo ee alla kheyraadka ku manaystay .

intaas kadib waxa lagu soo dhaweyay Hogaanka Warfaafinta OYSU Sanca Yeman Marwo Layla oo ayadana warbixin guud siisay gudiga iyo xubnahaba heerka uu marayo halganka iyo Ururka OYSU World Wide.

Waxaa kale oo lagu soo dhawayay Gudomiyaha Kooxda fanka Horseed Mudane Maxamed Nuur oo qudbad iyo Gabayo iyo Geeraro ay ku cabirayeen Kheyraadka dhulkeena halkaas ka soo jeediyay  wuxuuna Gudoomiyaha Horseed Qaran kula dar darmay xubnaha in naf iyo maalma u huraan dhulkooda hooyo , waxana halkaas Hambalyo iyo bogaadin Ururka ugu soo jeediyeen Ciidanka Qalabka sida ee JWXO ee gudaha ka dagalamayo sharafta iyo karamada iyo simcada Somalida Ogadenia mar walba difaacayo waxayna xubnaha oysu yeman sanca leeyihiin Guulaysta Guusha idin kaa leh JWXO -CWXO .

Shirkan ayaa wuxuu ku soo dhamaday jawi aad u wanaagsan

Read6 times
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay